Xukuumadda oo guddi 12 xubnood ah u xil-saartay xaalad culus oo soo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo galabta ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada.

Kulankaas waxaa lagu magacaabay guddi ka shaqayn doona soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan dalka Suudaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada Abshir Haruuse ayaa warbixin shirka ka siisay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ku sugan dalka Suudaan oo maalmihii ugu danbeeyey hareeyeen colaado sokeeye.

Wasiir Haruuse ayaa sheegay in ay wasaaraddu xiriiro kala duwan la samaysay diblamaasiyiinta dowladaha deriska la ah Suudaan, si ay ugu fududeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu talaabaan.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in xuduudaha Suudaan ay ka howl galiyeen xarumo dadka Soomaaliyeed loogu fududaynayo isku socodka.

Xubnaha guddiga ee loo magacaabay soo samata bixinta Soomaalida ku go’doonsan Suudaan ayaa ka kooban 12 oo wasiirka arrimaha dibadda uu hoggaaminayo.

Xubnaha guddiga ayaa ka kala ah:-

  1. Mudane Abshir Cumar Jaamac – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Guddomiye
  2. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawida Xubin
  3. Mudane Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xubin
  4. Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xubin
  5. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye – Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xubin
  6. Mudane Dr Cali Xaaji Aadan – Wasiirka Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada Xubin
  7. Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xubin
  8. Mudane Daauud Aweys Jaamac – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xubin
  9. Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh bashiir – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xubin
  10. Mudane Maxamed Cali Xagaa – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Ahna Ku Simaha Wasiirka Xubin
  11. Mudane Xirsi Jaamac Gaani – Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xubin
  12. Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf – Ergayga arrimaha xuquuqda soo-galootiga -Xiriiriye.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa faray guddiga in ay sida ugu dhakhsaha badan uga howlgalaan soo samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xaniban dalka Suudaan.