Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Kampala, soona bandhigaya qorshaha DF ee…

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda, halkaasi oo uu ka furmayo shir-madaxeedka dalalka ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Madaxweynaha ayaa waxa uu halkaasi kusoo bandhigi doona go’aanka dowladda federaalka ee la wareegista amiga dalka, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

“Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdaba-joogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo militari ee wajiga labaad ee howl-galka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Al-Shabaab dalka iyo guud ahaan gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Villa Somalia.

Madax iyo wakiilo ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia ayaa ka soo qeyb-galaya shirkaan, oo marti-galinayo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

“Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howl-gallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Villa Somalia.

Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee QM ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howl-galka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

Midowga Afrika ayaa bishii hore ee March dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doollor oo loogu tala-galay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaasi oo taageero siiya ciidamadooda militariga ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.