Sawirro: NISA oo howlgal culus ka fulisay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgallo culus oo ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ay fuliyeen ayaa xalay ka dhacay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka degmooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka cabanayay tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.

Intii lagu jiray howlgalladii xalay laga fuliyey degmooyinka Muqdisho, waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, baangado, bistoolado iyo agabyo kale oo dadka shacabka ah ay ku furanayeen.

Taliye Warbac oo howlgalkaan hoggaaminayey ayaa sheegay in dadkaan ay soo qabteen ay u gudbinayaan booliska, si baaritaano loogu sameeyo.

Taliyaha hey’adda NISA ee Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor oo howlgalkii xalay hoggaaminayey ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay tuugada dhaca u gaystay.

Taliyaha ayaa dadkii uu la kulmay wuxuu u sheegay in ciidamadu ay wadaan howlgallo ka dhan ah tuugada, isla markaana ay ka go’antahay hadda kadib in gacanta lagu soo dhigo qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada.