Sawirro: Nooca gaariga Hanti dhowraha qaranka ee maanta la rasaaseeyay oo lasoo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay ciidamada Booliska ee ku sugan meel ku dhaw Koontaroolka Sayidka ee Magaalada Muqdisho, ayaa rasaaseeyay gaari noociisa uu yahay kuwa aan xabada Karin.

Gaarigaan oo madow ahaa ayaa waxaa loo yaqaanaa Proof, waxaana la sheegay inuu lahaa Hanti dhowraha Qaranka.

Gaariga ayaa la sheegay inuu waday darawalka oo kaliya kaa oo ka dhaga adeegay inuu joojiyo, xili goobta lagu rasaaseeyay ay u xirneyd ilaalada Madaxtooyada Somalia.

Gaariga ayaa rasaasta looga dhuftay taagerada sida aan wararkeena hore ku sheegnay, waxaana halkaa ka dhaqaaqi waayay gaariga, iyadoo wadaha gaariga markii la rasaaseeyay xittaa uu ka biyo diiday inuu soo dago.