Qadar oo Imaaraadka kaga Guueleysan rabta Siyaasada Soomaaliya

Waxaa isa  soo taraya sida Dadka Soomaaliyeed  ay uga Horjeedaan Fargelinta Dowlada Imaaraadka ku hayaan dalka Soomaaliya , waxayana sii Xoogeysatey markii imaaraadka ay Heshiis Qar iska Tuurnimo ah la galeen maamulka aan la aqoonsaneyn ee Soomaaliland iyo Dowlada itoobiya.

Inta badan waa ay Guuldareystaan Dowlada sida Tooska u farageliya Dowladaha  kale Tusaale Dowlada Shiinaha waxay Siyaasadii kaga dheereysey aduunka Dowlada Mareykanka waxaana ugu wacan , Marakeynaka waxaa uu Dowladaha sanka ka geliyaa  Markey doonayaan in Dhaqaale Siyaan ama Maagelin Hormariyaan bixinayaan arimaha   Dimoqraadiyada ,Xuquuqul Insaanka, (Gender Balance) ,Haweenka, Maxaabiista.

Dowladda Shiinaha Dhamaan  Sharuudaha Mareykanka kuma Xiraan Xiriirkooda Dibada , Maalgashiga waana Tan Keentey in Shiinaha uu Xagga Siyaasada kaga Dheeree yo Mareykanka ,waxaana arkeysaa Dowlado badan oo u weecdey dalka Shiinaha ka dib markii ay halkaas ka heleen soo jiidasho aad u weyn ,waxaana Dadka Siyaasada Odoresa ay sheegayaan in Dalka Shiinaha sannadaha Socda heli doono Dowlado fara badan oo la Dhacsan Waxqabadkooda.

Waxaa  Bilooyinkii la soo dhaafey dalka Soomaaliya ku  Hardamyey Dowlado Carbeed oo iska soo hojeeda kuwaa oo markoodii hore ahaa kuwa isku Duuban , Waa markii ugu horeysey oo Dowaldo ka tirsan Khaliijka uu Xiriikooda uu Xumaado , waxaa Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ay Dhabarka u jeediyeen Dowlada Qadar oo iyana bilowdey in ay Xiriirk adag la sameysato Dowladda Turkiga.

Dowladda Qadar oo Siyaasadeeda Qunyar Socodka waxay keentey in ay Saameeyn ku yeelato Siyaasada Soomaaliya maadaama ay  meel Istaraatiijiyad ku taal  sidoo kale Dowlada Qadar waxay si weyn u soo dhaweysey Siyaasada Dhexdhexaadnimada ee ay qaadatey Dowlada Farmaajo hase yeeshee dowladda Imaaraadka kama Faaideysan Siyaasadaas ,waxayna Bilowdey Siyaasad  wax lagu burburinaya waana mida keeney  in uu sii Xumaado Xiiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka. .

Dowlada Qadar oo balan qaadyadeedii Soomaaliya  oo intooda badan  ay Fuleen ayaa wax waliba waxay isbedeli doonaan marka uu Madaxweynaha Soomaaliya uu Booqasho ku tago Dalka Qadar , waxaana Dadka Syaasada Indha indheeya  ay sheegayaan in ay ay dhici karto  in Xiriirka loo jaro Dowlada Imaaraadka maadaama Dowladda Soomaaliya aysan jecleysan Siyaasada Guracan ee ay ku dhaqmeyso Dowladda Imaaraadka hadaba maxaa   dhici doona Hadii Dowlada Imaaraadka Xiriirka loo jaro maadaama Ganasiga Soomaaliya uu intiisa badan uu ka yimaado Dubai islamarkaana Lacagaha ganacsiga ay Maraan isku soo  duuboo  sow ma moodid in Qadar ay Imaaraadka kaga dheereysey Siyaasadii Soomaaliya.

Gabagabadii  Dowlada Soomaaliya ayaa looga Fadhiyaa sida ay ka yeeleyso Xiriirka Imaaraadka  ka dib markii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu  meel mariyay xeer dalka looga mamnuucayay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka , oo la sheegay in ay  ku xad gudubtay jiritaanka Qaranka Soomaaliya  sdiaa Darteed dadka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey  talaabada uu baarlamaanka Soomaaliya uu qaadey kuwaa Dib Bulshada u xasuusinaya Go’aankii baarlamaanka  ay horey uga qaateen Xadgudubkii hore loogu sameeyey Badda Soomaaliya

 W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494