Akhriso Qaraarka Baarlamaanka Federaalka ee Dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Qaraar dalka ka mamnuucayo shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta oo maamusha dekaddaha Berbera iyo Boosaaso ee maamullada Somaliland iyo Puntland.

Qaraar ku saabsan shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World oo maanta looga dooday kulankii Baarlamaanka ayaa kadib cod loo qaaday waxaa si aqblabiyad ah Baarlamaanku isugu raacay in dalka laga mamnuucay shirkadda DP World oo aanay ka howlgeli karin.