Baarlamaanka Soomaliya oo meelmariyay go’aan Dalka looga mamnuucay Shirkada DP World

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya ayaa Maanta kulan xasaasi ah waxa ay ku yesheen Magaalada muqdisho,kulankaas ayaa intiisa badan looga hadlay heshiiskii Sadex geesoodka ahaa ee dekada Magaalada berbera.

Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay heshiiskaas oo ay wada saxiixdeen Dowladda Itoobiya Maamulka soomaaliland iyo Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Dood kadib 168 Xildhibaan ayaa ansixiyay Xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Kulan Xildhibaanada Golaha shacabka goor dhow yeesheen ayaa waxaa soo xaadiray 170 Xildhibaan, waxaana kulanka looga dooday Xeer uu soo diyaariyay Baarlamaanka oo ku saabsanaa heshiiskii Dekeda Berbera iyo Shirkadda DP World.

Xeerka ayaa waxaa ansixiyay 168 xildhibaan, halka hal Xildhibaan uu diiday, mid kalena uu ka aamusay, sidaas uu Guddoonka uu ku dhawaaqay inuu ansax yahay xeerkan.

Xeerkan oo cinwankiisu yahay Xeerka dhowrida Gobonimada iyo Geyiga Soomaaliyeed ayaa dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World, sidoo kale waxaa lagu baabi’iyay dhamaan heshiisyadii ay gashay oo ay ku jirto tan Dekeda Boosaaso.

Waxaa xeerkan lagu sheegay inuu meel marin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, laguna soo saari doono faafinta rasmiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa kaloo xeerkan lagu xusay in marka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka uu Madaxweynaha ku meel marin doono xeer Madaxweyne, laguna soo saari doono faafinta rasmiga ee Jamhuuriyadda Federaalka

Sidoo kale qodobada Xeerka ku jira ayaa ah kuwa calculus oo ay ka mid yihiin in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu Go’aankas gaarsiiyo Madaxda Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com