Sawirro :Qaad ku kacaya malaayin lacag ah oo goob fagaaro ah lagu gubay iyo sababta oo la ogaaday

Baled Xaawo-(Caasimadda Online)-wararka ka imaanaya Magaalada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maamulka Degmadaasi uu gubay qaad laga soo tallaabiyay dhanka xuduuda Degmada Mandhera iyo Baled Xaawo ay wadaagaan.

Xuduuda u dhaxeysa Mandhera iyo Baled Xaawo, ayaa xiran kadib markii Maamulka Jubbaland ay amar ku bixiyeen in la xiro xuduuda, sababo ku aadan muran taagan awgeed.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Baled Xaawo ayaa amray in gabi ahaanba la gubo qaadkaan oo si sharcidarro ay sheegeen in looga soo tallaabiyay xuduuda,maadaama ay xiran tahay.

Qaadka la gubay ayaa ka kooban 25 Jawaan oo ay lahaayeen dad ganacsato ah, kuwaasi oo doonaayay inay ku iibiyaan Degmada Baled Xaawo, sida uu Dhacdo.com u sheegay qof ku sugan Degmada Baled Xaawo.

qiimaha qaadka 25 jawaan ah ee dabka la qabadsiiyay ayaa lagu qiyaasay kudhawaad Kenya  (1Million iyo 500 kun oo Kenya ah).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com