Qatar Oo kaga guuleysatay Imaaraadka & Sacuudiga loolankii ay ugu jireen Arimaha Somaliya maxay sameesay?

muqdisho-(Caasimadda Online)- Loolankii siyaasadeed ee u dhaxeeyay dalalka saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya ayaa gabogabo ku dhow, kadib markii dowladda Soomaaliya ay siyaasad ahaan la wareegeen mowqifkeeda dalalka Turkiga iyo Qatar.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa dadaal weyn ugu jiray inay dhinacooda soo raaciyaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxyana ugu horeyntiiba cadaadis ku saareen dhinacyada dhaqaale iyo siyaasadeed, kadib khilaafkii khaliijka.

Mashaariic Sacuudigu u balanqaaday dowladda Soomaaliya ayaa dib u dhac weyn soo wajahay kadib markii ay Soomaaliya go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, waxaana Sacuudiga arrinta Soomaaliya u xilsaaray Imaaraadka oo galaangal weyn ku dhex leh siyaasadda Soomaaliya.

Tallaabooyinkii ay qaaday Imaaraadka ee ay ku dooneysay inay ku so jiidato dowladda Soomaaliya ayaa gebi ahaan socon waayey, kadib markii Safiirka Imaaraadka uu si xun u maareeyay, waxaana arrintaasi ka dhalatay inuu sii xumaado xiriirka dowladda Farmaajo iyo Imaaraadka taasoo ay ugu danbeysay safarkii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ee Imaaraadka oo ku soo dhammaaday fashilka iyo arrinta qaraxay ee heshiiska dekadda Berbera.

Qatar oo kaashaneys Turkiga ayaa dhinaca kale guulo kasoo hooyey inay helaan kalsoonida dowladda Soomaaliya, waxaana dowladda Qatar ay si weyn uga faa’iideysatay Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxana labada dhinac ay isla wadaan mashaariicdii ugu horeysay ee Qatar a fuliso Soomaaliya.

Socdaalka madaxweyne Farmaajo dhowaan ku tegi doono dalka Qatar ayaa ka dhigan calamadii ugu dambeysay sida ay Qatar uga guuleystay isbaheysigii Sacuudiga iyo Imaaraadka ee doonayey inay dowladda Soomaaliya dhinacooda kasoo jeesato.

Dad badan ayaa aaminsan in loolanku aanu weli dhammaan oo Imaaraadku adeegsan doono madaxda maamul goboleedyada dalka iyo xildhibaanno uu ku dhex leeyahay Baarlamaanka, taasoo ku filan in dowlada Farmaajo ay noqoto mid aan ka bixin khalkhal siyaasadeed oo gudaha ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com