Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmaha soo socda ku wajahan dalka Qatar.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii ugu ballaarnaa ayaa lagu wadaa in todobaadkan ay booqasho rasmi ah ay ku tagaan magaalada Doxa ee dalka Qatar

Farmaajo, waxaa Safarkiisa ku wehlinaya Lix kamid ah Golihiisa Wasiirada, sida Wasiirada Arimaha Dibeda, Ganacsiga, Gaashaandhiga, Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Xildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka kamid ah iyo Saraakiil kale.

Wararka ayaa sheegaya in booqashadan ay tahay mid rasmi ah, waana booqashadii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Qatar, kaddib markii uu sanadkii hore uu booqday.

Dowladda Qatar ayaa dhowaan la saxiixatay dowladda Soomaaliya mashaariic horumarineed oo ku baxaya illaa labo boqol oo malyuun, kaasoo ka mid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho-Jowhar iyo Muqdisho-Afgooye.

safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa aaa ku soo beegmay Maalmo uun ka dib markii ay Somaliya gudbisay Dacwad ka dhan ah Imaaraatka Carabta oo ay uga dacwooneyso shirkadeeda DP World oo heshiisyo aaney ka warqabin dowladda dhexe la gashay qaar kamid ah Maamulada Dalka kajira, Gaar ahaan maamulka Somaliland iyo maamulka Puntland.

dowladda Qatar ay Dalkeeda uqaadatay dhalinyaro badan oo Somali ah kuwaas oo  ay doonayso in ay kadhigato askar .

Askarta ay dowladda qatar qaadatay ayaa waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha uu soo saxiixay Safarkiisii udanbeeyay ee Sanadii hore, Waxaana askartan Somalida ah ay qatar mushaar ahaan usiineysaa Bishiiba $800.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com