Farmaajo oo markii ugu horeysay cadeeyay heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatooyinka ka dhex jirta Maxkamada dalka (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa markii ugu horeysay qiray inay soo gaareen cabashooyin dhanka Garsoorka ah.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu sheegay in Cabashooyinka soo gaaray ay lidi ku ahaayen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha dalka.

Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad, islamarkaana garsoorka dalka uu noqdo mid shaqeeya oo lagu kalsoon karo.

Wuxuu sheegay inay qaadayaan talaabo degdeg ah oo wax looga qabanaayo Xaalada Garsoorka dalka si buu yiri ay shacabka Soomaaliyeed ugu diirsadaan Garsoor caadil ah.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo tilmaamay inay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan cabashooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhanka Garsoorka, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in marnaba aysan suurtagal noqonkarin in amni iyo horumar la sameeyo, iyadoo uusan shaqeynaynin garsoorka dalka.

‘’Waxaa jira cabashooyin badan oo nooga imaaday dhanka Garsoorka, waxaan shacabka Soomaaliyeed u ballanqaadeynaa inay heli doonaan isbedel dhanka Garsoorka ah oo caadaalada ku shaqeyn doona’’

Sidoo kale, Farmaajo ayaa sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay wadeen daraasad ku saabsan Xaaladda Cadaaladda Soomaaliya, islamarkaana hadda ay amba qaadi doonaan sidii loo sixi lahaa, waxaana uu haddalkaan ka sheegay munaasabada furitaanka Kalfadhiga Seddexaad.

Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili Garsoorka Somalia uu yahay mid aasaas u noqday ‘’La jiifshaa banaan la joojiyaa banaan’’,

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com