Somaliland oo shaacisay inay hakisay wadahadalkii kala dhexeeyay DFS Xili uu Farmaajo..

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa si KMG ah ugu dhawaaqay inay hakiyeen wadda hadaladii kala dhexeeyay dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Maamulka ayaa sheegay in wadahadalka uu yahay mid ku jira hakat inta ay dib uga laaban doonaan go’aanka lagu hakiyay.

Sacad Cali Shire oo ah Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland, oo ka hadlaayay hakinta wadahadalka ayaa sheegay inaanay jirin duruuftii saamaxaysay in dib loo furo wada hadalka.

Waxa uu sheegay Wasiir Sacad inay mudo bil ah dib u dhigeen wada hadalkii ay la yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya.

‘’Waxaan halkaan ka sheegeynaa inaanu dib u dhignay wadahadalkii aan la gali laheynay dowlada Somalia, hakatka waxa uu socon doonaa muddo bil ah’’

‘’Waxaan hakatka u galinay wadahadalka waa duruuftii keentay wadahadalka oo aan noo saamaxeynin,kamaynaan noqon balse wakhtigan waxaa naheysta duruufo kale’’

Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland ayaa intaa ku daray in wadahadalka uu yahay mid xalaal ah oo uu ansixiyay baarlamaanka maamulka.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in hakatka wadahadalka ay ku dhawaaqday Somaliland ay tahay mid dabasocta Khilaafka maamulka kala dhexeeya dowlada Somalia oo iyadu diiday Heshiiska Dekadda Berbera.

Xiisada ka dhalatay Heshiiskii Dekedda Magaalada Berbera ee maamulka Somaliland ayaa iminka gaaray halkii ugu xumeyd, waxaana suuragal ah in gabi ahaan wadahadalka uu istaago.

Dowlada Somalia ayaan weli ka hadal go’aanka ay Somaliland ku hakisay wadahadalka, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Khudbadiisa shalay ku sheegay wadahadalka Somaliland kala dhexeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com