Sawirro:-Qaar ka mid ah dhalinyaro ka soo badbaaday Magafayaasha Libya oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – 10; ka mid ah dhallinyarada Maxaabiista ku ahaa dalka Liibiya ayaa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhallinyaradan waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Dhallinyarada maanta yimid Muqdisho waxaa ay ka mid ahaayeen dhallinyaro badan oo u xir xiran Magafayaasha iyo dowladda Liibiya,iyada oo dad badan oo Soomaali ah ay ku jiraan xabsiyada dalkaas.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano matalayey labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib uga soo laabtay dalka Liibiya oo muddo ay ku heystay dhibaatooyin xoogan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibanaa dalka Liibiya, iyadoo natiijada dadaalkaasi uu keenay in maanta qaarkood dalka dib loogu soo celiyo.

Maryan Yasiin  oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay u geesteen kooxaha arxanka daran ee Magafayaasha loo yaqaan.