Sawirro: R/W Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dhabi, waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda dalka Imaaraadka Carabta Cabdalla Suldaan Alniceymi.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah; Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay haatan is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo dhinaca kale garab ka helay Qatar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan raali-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Rooble ayaa sidoo kale shirka Golaha Wasiirada ka shaaciyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan, islamarkaana aysan si gaar ula macaamilin dal gaar ah, kuwa kalena aysan fogeyn, ayada oo xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso sida uu sheegay siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.

Wixii markaas ka dambeeyey, waxaa muuqata in xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayo, si gaar ahna in dowladda federaalka ay qaadeyso tallaabooyin ay Imaaraadka Carabta ugu muujineysa inuu dhab ka yahay isbeddelka ay ballan-qaaday.