Lafta-gareen oo kursigiisa dhaafiyey maanta xildhibaan aad ugu dhow Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ka dhacday doorashada 5 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka.

Kuraasta la doortay waxaa kamid ahaa kursi uu ku fadhiyey Xildhibaan caan ah oo saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kursiga HOP#177 oo uu muddo dheer ku fadhiyey Ibraahim Isaaq Yarow ayaa loo diiday inuu u tartamo kursigaan, kadib markii uu u awood sheegtay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Xildhibaan kursigiisa la xoogay ee Ibraahim oo ahaa guddoomiyihii guddiga dib u eegista sharciga doorashada iyo asteynta kuraasta xildhibaanada ee lagu soo saaray astaanta (HOPP) ayaa taageero u ahaa madaxweyne Farmaajo, wuxuuna waqti badan geliyey sidii uu usoo laaban lahaa.

Wuxuu soo saaray xeerkii doorashooyinka ee baarlamanka ee la diiday kaasi oo ahaa mid cakiran oo aan la fulin karin, balse ujeedka Ibraahim Isaaq Yarow uu ahaa inuu Farmaajo ugu salaxo fursad uu muddo kororsi ku sameysto.

Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sidoo kale waxaa lagu xusuustaa inuu u gefay shacabka Muqdisho, kadib markii uu sheegay in go’aan ka gaarista matalaad uu helo gobolka Banaadir ay tahay arrin u taalla baarlamanka oo cid gaar ah aysan waxba ka dhihi karin.

“Arrinta matalaadda Aqalka sare ee gobolka Banaadir, cid gaar ah waxba kama dhihi karto. Sidaas darteed arrintaas waxay ka mid tahay waxyaabaha baarlamaanka hortagi doona ee uu xal ka gaari doono,” ayuu Ibraahim yiri xiligaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo dadka kasoo jeeda ay ka kooban yihiin umadda Soomaaliyeed oo dhan, oo aanay ahayn beel gaar ah.

Xildhibaankan ayaa dhowaan barahiisa bulshada saartay sawirada Madaxweyne Farmaajo, madaxeweynaha Koonfur Galbeed iyo astaanta kooxda Nabad iyo Nolol, isagoo ujeedkiisu ahaa in mar kale la siiyo kursiga, balse waxaa rajadiisa cagta mariyey madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa kursigaas siiyey Cabduqaadir Sheekh Cali (Baraka) oo maanta doorasho ka dhacday Baydhaba ugu soo baxay codad gaaraya illaa 75-cod, musharixii la tartamayey oo lagu magacaabo Maxamuud Abuukar Kheyre ayaa helay 16 cod, halka 1 cod la sheegay inuu halaabay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa dagaal xooggan ku qaaday xildhibaanadii horey ugu fadhiyey kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Koonfur Galbeed, wuxuuna dariishada ka saaray inta badan xildhibanadii ka tirsanaa Baarmaanka 10-aad.