R/W Xamza oo ballan-qaad muhiim ah ka helay Midowga Yurub + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Mudane Xamza ayaa Midowga Yurub uga mahad-celiyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Danjire Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo ra’iisul wasaaraha u ballan-qaaday in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhan ka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay.

Si kastaba, waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.