Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa xarigga ka jaray xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo xilligaan muhiim u ah Soomaaliya.
Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madaxda sare ee wasaaradda caafimaadka, xildhibaano, wasiiro, dhaqaatiir iyo marti-sharaf kale.
Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso horumarinta iyo soo-nooleynta adeegyadii bulshada oo ay ugu horreeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xaruntan dhiigga ay xilligan baahi weyn u qabeen guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Xamza ayaa sidoo kale ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada hirgelinta xaruntani, isaga oo shaaciyay in tani ay ka tarjumeysa xaqiijinta yool muhiim ah.
“Dalkeennu wuxuu kamid yahay waddamada ay ka dhacaan musiibooyinka, taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa in la helo xarun keydisa dhiigga” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.
Si kastaba, Bangiga Dhiigga Qaranka oo la aas-aasay sannadkii 1976 dii ayaanan hawlgelin muddo ku dhow soddon sanno, waxaana dib-u-howlgelintiisu ay buuxin doontaa baahi weyn oo ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan keyd loogu hagaago dhiigga.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-