Sawirro: R/Wasaare Xamza oo gudoomiyay shir muhiim u ah degaanadii la xoreeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda ee muhiimka ah.

Shirkaan oo qeyb ka ahaayeen wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda ayaa waxay soo bandhigeen qorshooda ku aaddan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada deegaannada la xoreeyey, sida caafimaadka, waxbarashada, garsoorka, sugidda amniga iyo dib-u-heshiisiinta.

Deegaanada laga xoreeyay cadowga ayaa argagixisadu muddo badan waxay ku haysay cunaqabateyn, islamarkaana ay ka hortaagnayd adeegyadii dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo tilmaamay ahmiyadda ay xukuumaddiisu siineyso gaarsiinta adeeggii dowladda goobaha la xoreeyey, ayaa faray wasaaradaha ku shaqada leh in si deg-deg ah dhulka la xoreeyey looga hirgeliyo adeegyada asaasiga ah.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka socda ilaa inta dalka oo dhan laga ciribtirayo kooxaha xagjirka ah ee baneystay nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed.

Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kala wareegeen kooxda deegaano badan oo sanado dhowr ah gacantooda ku jiray.