Ururada siyaasadda Puntland oo soo saaray go’aan culus

Garoowe (Caasimada Online) – Ururada Siyaasadda Dowlad-goboleedka Puntland ayaa shaaciyay shuruudo cusub oo ay rabaan in la fuliyo ka hor doorashooyinka qof iyo cod ah ee maamulkaasi.

Ururada oo oo soo gaba-gabeeyay kulamo u socday maalmihii dambe ayaa bayaan ay soo sareen waxay ku sheegay in shuruudahooda ay aas-aas u yihiin doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda deegaanada dowlad-doboleedkaas.

Waxay dalbadeen in marka hore la dhameystiro xubnaha ka dhiman Maxkamadda Dastuuriga iyo dhimista tirada Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka.

Sidoo kale waxaa kamid ah shuruudaha ay soo saareen ururada Siyaasadda Puntland in meesha laga saaro oo la bedelo nidaamka ku xadidaya saddex xisbi in maamulka uu yeesho muddo 10 sano ah.

Hoos ka aqriso shuruudaha ay soo sareen ururada oo dhameystiran:

1. In la dhammeystiro xubnaha ka dhiman Maxkamadda Dastuuriga ah.

2. In la baddelo nidaamka Liistada xiran ee Doorashooyinka Golaha Deegaanka lagana dhigo mid furan.

3. In la dhimo tirada Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka.

4. In Ururrada Siyaasadda Fursad loo siiyo in ay u diyaargaroobaan diiwaangelinta codbixiyaasha.

5. In diiwaangelinta si siman halmar uga wada dhacda Deegaannada Puntland.

6. In Deegaannada Doorashada aysan ka dhici Karin heshiis siyaasadeed laga gaaro kahor inta aysan Diiwaangelintu billaaban.

7. In Xuduudaha Degmooyinka ee lasoo bandhigay la waafajiyo Dastuurka & Xeerka Degmooyinka iyo Gobollada qodobkiisa 21aad, faqradiisa 2-aad.

8. In nidaamka ku xadidaya saddex Xisbi Dalku yeesho muddo 10 sano ah meesha laga saaro oo la baddelo.

9. In uu Urur kasta oo hela aqbaliyadda Xildhibaannada Golaha Deegaan-Doorasho ama Isbaheysi Ururro dhexmara ay ku helaan aqlabiyadda ay soo dhisaan maamulka Degmada Faragelin la’aan.

10. In Xubin kasta oo kusoo baxda magaca Urur-siyaasadeed ee baalmarta xeerka Ururkaas u degsan ay dhumineyso xaasanadda Xildhibaannimo, ururkana soo baddelanaya Booskiisa.

11. In Shaqaalaha loo qaadanayo Doorashada loo maro nidaam daah-furan oo ururrada siyaasadda la socdaan.

12. In Ururrada Siyaasadda ay qayb ka helaan dakhliga Dowladda & taageerada Deeq-bixiyaasha maadaama nidaamka dimuqraadiyadu yahay Billaw.

13. In la diyaariyo Guddi madax-bannaan oo kahortaga musuqa Doorashada.

Arrintan ayaa imaneysa, ayada oo Guddiga KMG ah ee doorashooyinka uu shaaciyay deegaano cusub oo ay ka dhaceyso doorashada qof iyo cod, ayada oo hore ugu tijaabiyay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.