26.1 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Sawirro: R/Wasaare Abiy oo gaaray Jabuuti + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jamuhuuriyadda Jabuuti, halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay Abiy iyo wafdigiisa, isaga oo soo dhaweeyn ugu sameeyay qasriga madaxtooyada.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-haday is-dhexgalka juqraafi-siyaasadeed iyo xoojinta xiriirka labada dal, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa kulankooda kusoo qaaday xaaladda gobolka, nabadda iyo amniga  iyo xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan ganacsiga, saadka iyo horumarinta.

Wada-hadalladan ayaa kusoo aaday, iyada oo haatan gobolka ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, taas oo si weyn looga dareemay gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Jabuuti yaa safka hore ka gashay u istaagidda midnimada dalka Soomaaliya, waxayna si cad u diiday go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, halka Itoobiya ay weli ka aamusan tahay ka hadalka heshiiska Hargeysa iyo Tel Aviv.

Safarka Abiy Axmed ee Jabuuti ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saarayo xaalka Soomaaliya iyo arrimaha kale ee ka taagan Geeska Afrika.

Si kastaba, Itoobiya ayaa maalmahan wadday dhaq-dhaqaaq culus, waxayna mar kale dib usoo nooleysay damaceeda badda, iyada oo dhawaan ku dhawaaqday in dadaalka dalkeeda ee ku aaddan helitaanka marin-badeed toos ah uu yahay qadiyad qaran oo “jiilal ay isaga dambeeyaan,” taas oo qasab ay tahay inay mideyso muwaadiniinta iyadoo aan loo eegin kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News