27.4 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Turkey, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya oo dhisaya isbahesyi difaac oo awood badan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixinaya inuu ku biiro heshiis difaac oo u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Pakistan oo hub nukliyeer leh, tallaabo suuragal ah oo abuuri karta isbahaysi milatari oo cusub Bariga Dhexe, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha Gacanka iyo kuwa la xiriira Iran.

Warbaahinta Bloomberg ayaa Jimcihii sheegtay in wadahadallada u dhexeeya Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ay marayaan “marxalad horumarsan,” isla markaana “heshiis aad u dhow” uu suuragal yahay, iyadoo soo xiganaysa dad arrintan la socda.

Calaamad muujinaysa in Islamabad ay sii xoojinayso xiriirka ay la leedahay Ankara iyo Riyadh, Reuters ayaa Jimcihii werisay in Pakistan ay ku dhowdahay inay dhammaystirto heshiis hub oo dhan $1.5 bilyan ah oo ay la gashay ciidanka Suudaan, kuwaas oo ay taageeraan Sacuudiga iyo Turkiga, islamarkaana dagaal kula jira ciidanka RSF ee garab ka helaya Imaaraadka Carabta.

Reuters waxay sheegtay in Pakistan laga filayo inay u iibiso ciidanka Madaxweyne Jeneral Cabdul-Fataax al-Burhaan 10 diyaaradood oo K-8 Karakorum ah, in ka badan 200 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo loogu talagalay sahamin iyo weerarro ismiidaamin ah, iyo nidaamyo difaac hawada oo horumarsan.

Aamir Masood, oo ah marshaalkii hore ee ciidanka cirka Pakistan, ayaa Reuters u sheegay in iibku yahay “heshiis la dhammeeyay,” isla markaana uu sidoo kale ku jiri karo diyaaradaha dagaalka ee JF-17.

Haddii Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ay kala saxiixdaan heshiis difaac oo saddex-geesood ah, waxa uu isku xirinayaa saddex dal oo waaweyn oo gobolka ka mid ah, kuwaas oo mid walba leeyahay awood iyo sifo gaar ah.

Sacuudi Carabiya oo hodan ku ah shidaalka waa dhaqaalaha keliya ee Carabta ee ku jira G-20, waana dalka ay ku yaallaan Maka iyo Madiina, labada magaalo ee ugu barakada badan Islaamka.

Pakistan waa dalka keliya ee dunida Muslimka ah ee hub nukliyeer leh.

Turkiga, oo isku xira Aasiya iyo Yurub, waxa uu xoojinayaa ciidamada NATO iyadoo uu leeyahay ciidanka labaad ee ugu weyn ururkaas.

Labada dal ee Pakistan iyo Turkiga ayaa sidoo kale ku soo baxaya kuwo leh warshado waaweyn oo soo saara, oo dhoofiya hub.

Turkiga ayaa siiyay Ukraine diyaarado drones ah oo ay uga adeegsatay dagaalka ka dhanka ah Ruushka. Turkiga ayaa sidoo kale u muuqday taageeraha milatari ee ugu weyn Suuriya, waxayna ciidamo ka joogaan Liibiya.

Pakistan oo wajahayso dhaqaale ciriiri ah ayaa isku dayaysa inay khibraddeeda milatari u beddesho faa’iido dhaqaale. Bishii Diseembar, waxay saxiixday heshiis dhan $4 bilyan oo ay ku iibinayso qalab milatari, oo ay ku jiraan 16 diyaaradood oo JF-17 ah, kuwaas oo la siinayo Ciidanka Qaranka Liibiya ee Jeneral Khaliifa Xaftar.

Reuters ayaa horraantii toddobaadkan werisay in Pakistan iyo Sacuudi Carabiya ay wadahadallo ku jiraan si ay qiyaastii $2 bilyan oo deymaha Sacuudiga ah ugu beddelaan heshiis lagu iibsado diyaaradaha JF-17, kuwaas oo si wadajir ah u soo saara Shiinaha iyo Pakistan.

Pakistan taariikh ahaan waxay xiriir dhow la lahayd Sacuudiga iyo Turkiga, inkastoo labadaas dal mar walba isku aragti ahayn.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageeray kacdoonnadii dadweynaha ee ka dhashay Guga Carabta, kuwaas oo Riyadh u aragtay halis ku wajahan nidaamka boqortooyada.

Toban sano ka hor, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa iskaashaday si ay uga hortagaan Turkiga gudaha Liibiya. Waxay sidoo kale taageereen Madaxweynaha Masar Cabdul-Fataax el-Sisi, oo ahaa jeneraal hore oo Erdogan mar ka mid ah si adag u dhaliilay.

Hase yeeshee, isbahaysiyada gobolka si degdeg ah ayay isu beddelaan. Erdogan iyo Sisi ayaa hadda isu soo dhowaanaya, iyagoo ka wada welwelsan dagaalka Israa’iil ee Gaza — oo ay Qaramada Midoobay, ururrada xuquuqda aadanaha iyo taariikhyahanno qaar ku tilmaameen xasuuq — iyo sidoo kale weerarro ka ballaaran oo ku wajahan Lubnaan, Suuriya iyo Iran.

Sacuudi Carabiya iyo Turkiga ayaa bilaabay hagaajinta xiriirkooda 2021.

Waqtiyadii u dambeeyay, labada dhinac waxay istaraatiiji ahaan isugu soo dhowaadeen meelaha colaadaha ka aloosan yihiin sida Suuriya. Erdogan iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa labaduba Madaxweyne Donald Trump u ololeeyay in laga qaado cunaqabataynta saaran dowladda Madaxweyne Ahmed al-Sharaa.

Turkiga iyo Sacuudiga ayaa sidoo kale taageeraya dhinac isku mid ah dagaalka sokeeye ee Suudaan, kaas oo u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo RSF, oo garab ka helaya Imaaraadka Carabta.

Iskaashigii Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u daciifay. Sacuudiga ayaa qaaday duqeymo ka dhan ah xulafada Imaaraadka ee Yemen, kuwaas oo ah Golaha Koonfurta ee Kumeelgaarka ah (STC), halka xoogagga ay Riyadh taageerto ay Yemen ka saareen STC iyo Imaaraadka, sida ay warbixintu sheegtay.

- Advertisement -

Read more

Local News