Moqokori (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanno iyo tuulooyin hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Moqokori ee gobolkaasi, kadib markii ay ku dhawaadeen ciidamada dowladda.
Xubnaha Al-Shabaab ee faarujiyay deegaannadaas ayaa lagu soo warramayaa inay isugu tegeen Maxaas iyo Moqokori oo ay hadda si buuxda u maamulaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadku ay dareemeen cabsi iyo culeys xooggan oo ku aadan abaabulka ay dowladda ka wado gobolka Hiiraan.
Sarkaal sare oo u hadlay milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in kooxda Al-Shabaab ay inta badan isaga baxday tuulooyinka, wuxuuna sababta ku sheegay inay dareemen baqdin ku aadan howlgallada ka socda halkaasi.
“Nimanka way isaga baxeen tuulooyinka waa wax naf la caari ah oo marka ay ciidanka kusoo ruqaansadaan sii ordaya” ayuu yiri sarkaalka.
Shalay ayay aheyd markii dagaal culus oo lagu jabiyay argagixisada uu ka dhacay aagga Teedaan, halkaas oo looga gubay gaari Cabdi Bile ah, loogana dilay xubnihii la socday.
“Waxay isku dayeen inay Teedaan yimaadaan laakiin ciidamo ayaa meesha ugu diyaarsanaa gaari Cabdi Bile ah ayaa looga gubay, dhowr nina waa looga dilay” ayuu yiri Taliye Xasan Faarax Guuleed oo hoggaaminayay dagaalka.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Jidgooyo ayaa loo dhigay gaariga iyo wixii saarnaa ayaa Saban lagu dhuftay meesha ayayna iskula basbeeleen”.
Muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa xoogga soo saaray Hiiraan, iyada oo doonaya inay qabsadaan deegaannada u dhow degmada Maxaas ee gobolkaasi.

