26.2 C
Mogadishu
Sunday, May 31, 2026

Soomaaliya iyo Falastiin oo wada-hadal toos ah yeeshay kadib aqoonsiga Israel

Bookmark
Bookmarked

Share

Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya & dowladda Falastiin ayaa maanta wada-hadallo toos ah ku yeeshay magaalada Jeddaha ee dalka Sacuudi Carabiya, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyda maamulka Israaa’iil.

Wada-hadallada ayaa waxaa si gaar ah u yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo dhiggiisa Marwo Dr. Varsen Aghabekian Shahin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Dawladda walaalaha Falastiin, wuxuuna kuanooda barbar socday shirka aan caadiga ahayn ee golaha wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Labada wasiir ayaa kulankooda si qoto dheer waxay uga hadleen aqoonsiga sharci-darrada ah ee ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland ee gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya, maadaama ay xadgudub ku tahay Soomaliya.

Dr. Varsen Aghabekian Shahin oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay kasoo horjeedaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, isla markaana ay garab taagan yihiin shacabka dowladdooda.

Waxaa kale oo labada wasiir ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda dhowrista sharciga caalamiga, iyagoo muujiyey taageeradooda dhammaan dadaallada lagu dhowrayo midnimada qaran iyo xasilloonida dalka.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla xalay Jedda ku dhex-maray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa dalla Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, kaas oo dhacay intii uu socdey shirka aan caadiga ahayn ee golaha wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Intii lagu guda-jiray kulanka, labada wasiir waxay uga hadleen xaaladaha soo kordhay, gaar ahan gar-darrada Israaa’iil oo ku xadugubtay Soomaaliya, waxayna si cad u diideen go’aanka ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ee dhanka diblumaasiyadda, si ay taageero uga hesho dowladaha caalamka oo intooda badan kasoo horjeestay tallaabada ay qaaday Israa’ii.

Soomaaliya ayaa garab weyn ka heshay dalalka Islaamka, waxaana si hagar la’aan usoo dhinac istaagay dalal waa wayn oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Turkiga oo dhawaan uun ku heshiiyay difaaca qarannimada Soomaaliya.

Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa daba socda ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii Diseembar, markaas oo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan—waana dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Read more

Local News