Sawirro: Ra’iisul wasaare Kheyre oo hoygiisa ku booqday Guddoomiye Jawaari iyo cafis dhex maray

Muqdisho (Caasimadda Online)– Ra’iisal wasaare, Xasan Cali Kheyre ayaa caawa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha baarlamaanka ee is casilay Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Booqashadaan Ra’iisal wasaare Kheyre ee guddoomiye Jawaari ayaa aheyd mid ay isku cafinayeen isla markaana xalay dhalay uga wada noqon lahaayeen khilaafkii siyaasadeed ee aakhirkii isku casilay Jawaari.

Maalinta Arbacad ee beri ayaa a filayaa in Jawaari uu khudbad u jeediyo xildhibaanada kuna sheegayo iscasilaadiisa iyo dardaaran uu u jeedinaayo xildhibaanada.