Taliye Gorod oo ka hadlay sababta keentay inuu qoro waraaq uu ku dalbaday in la fasaxo lacagtii Imaaraadka

Muqdisho (Caasimadda Online) –Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay warqad uu u qoray maalintii Axaddii taasi oo ku socotay maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan oo uu ku codsanayey in Imaaraadka in loo oggolaado inay la soo baxaan lacago ay la soo degayeen.

Sida warqadda ay ku qornayd, Gorod, waxa uu ku sheegay inay uga imanaysay magaalada Boosaaso.

Taliyaha Ciidamada Xoogga oo wareysi siiyey Idaacadda VOA qeybteeda ku hadasho afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu isaga waraaqdaas qoray isla markaasna uu amray in loo fasaxo.

Taliyaha oo la waydiiyey haddii uu isaga la socday tirada lacagta lasoo dajinayey iyo haddii lagu war geliyey ayaa tilmaamay inuusa waxba kala socon lacagtaas, wuxuuna shaaciyey in taliyaashii ka horreeyeyba ay sidaas ugu fasixi jireen.

Wuxuu intaas ku daray inuusan ka warqabin tirada lacagta ay awal lasoo dagi jireen, sidoo kalana wuxuu sheegay inuu isaga ugu badnaan lacagtaas ku qiyaasayey ilaa 1 ama 2 Malyan.

Taliyaha ayaa la waydiiyey sidoo kale waqtiga waraaqda uu qoray, wuxuuna sheegay inuu aheyd isla maalintii lacagta la qabtay oo ku beegneyd Axaddii lasoo dhaafay.

Taliyaha oo sidoo kale wax laga waydiiyey haddii uu madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha waraaqdaan uu kala tashtay ayaa xusay inaysan muhiim aheyn inuu madaxda sare kala taashto maadaama ay arrintaan tahay arrin ciidan isla markaasna ay imaaraadka kusoo war geliyeen inay tahay Mushaarka iyo Raashinka Ciidamada ay dowladda u tababreen.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa caddeeyey in ciidamada ay Imaaraadka tababreen lagu kala dari doono ciidamada dowladda isagoo tilmaamay inuusan waxba ka qabin haddii ay dowladda Soomaaliya baaritaan ku sameysaneyso lacagtaas iyo halka loo waday.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga taliyaha

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com