Sawirro: Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyay Imaaraadka

Abu Dhabi-(Caasimadda Online)- Ra’iisal wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka Abu Dhabi kusoo dhoweeyay wasiirka tamarta iyo warshadaha ee Imaaraadka Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei oo u galbiyay goobtii loogu talagalay inay degaan wafdiga Kheyre.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa ee Imaaraadka oo ay ka wada hadli donaan xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Booqashada RW Kheyre ee Imaaraadka ayaa waxay qaadan doontaa mudo labo cisho ah.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dhabi
Caasimada@live.com