Sawirro: Sidee ayuu u dhacay socdaalkii masayrka ahaa ee Xasan ku tagay Baydhaba?

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Somalia.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ah mid masayr ku saleysan oo lagu jebinayo socdaal uu toddobaadkii tagay magaalada ku tagey musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Socdaalkan oo muddo la isku hayey kadib markii uu ku gacan seeray Shariif Xasan ayaa maanta dhacay markii Xasan uu si qasab ah magaalada ku tagey.

Markii uu ka degay Garoonka ayaa waxaa Madaxweyne Xassan loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed, iyadoo ay hadda Kulamo uga socdaan baydhabo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed.
2

3

4

1