Sawirro: R/W Kheyre oo dad shacab ah kula shaahay goob aan laga fileynin

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dad shacab ah kula shaahay goob lagu shaaho xili uu kasoo baxay kulan dhaqaale loogu uruurinayay Abaaraha.

Ra’isul wasaaraha ayaa markii uu kasoo baxay kulanka ku dhiiraday in goobo lagu shaaho oo ay ku sugan yihiin dad shacab ah ku nasto, iyadoo sawirada laga qaaday ay ka muuqdeen isagoo ku dhex jira dhalinyaro aad u da’yar isla markaana la cabaaya shaah.

Ra’isul wasaaraha ayaa dhalinyarada kula shaahay degmada Shibis, waxa uuna darawalka u kaxeenayay gaariga ka dalbaday inuu ku hakiyo goobta ay ka jirtay farxada si uu ula shaaho dadka shacabka ah.

Ra’isul wasaaraha ayaa halkaa dadka shacabka ah kula sheekeystay waxa uuna su’aalo la wadaagay dadka goobta ku shaahaayay.

Nasiinka uu la qaatay shacabka kadib ayaa waxa uu Ra’isul wasaaraha bartiisa Twitter-ka kusoo qoray erayo uu ku muujinaayo sida DFS ay ugu jilicsan tahay shacabkeeda waxa uuna yiri ”Waxan shacabkeyga u shegaya inan la wadaagi doono wax walba oo nala soo gudbonada intan kujirno halganka lagu soo celinayo sharafti”