Sawirro: R/W Maxaa Kheyre iyo Xaaf ku dhex maray xafladdii caleemka saarka Waare?

Jowhar (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta isku arkay xafladdii Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabelle, waxayna kusoo aaday xilli labada Mas’uul ay kala qabeen shaki ku aadan inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ahaa shakhsigii ka dambeeyey xil ka qaadistii la doonayey in lagu sameeyo.

Madaxweynaha Galmudug oo halkaas khudbad xasaasi ah ka jeediyey ayaa dadka reer Hirshabelle ka codsaday in loo soo duceeyo isagoo yiri:

” Reer HirShabelle ii soo duceeya Ayaantaan waa karkarayay in alle iga dejiyo”

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxdii kale ee ka qeybgashay Xafladaas ayaa mar qura qosol la wada dhacay.

Markii uu khudbadda dhameystay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayuu mar qura kursigiisa ugu tagay Ra’isulwasaare Kheyre, waxaana meeshaas ka dhacday farxad iyo inay labada Mas’uul xabad is geliyaan, midaas oo u muuqatay inay aheyd cayaar siyaasadeed.

Mas’uuliyiinta kasoo qeybgalay Xafladda ayaa iyagana dareen farxadeed ka muujiyey sida ay labada Mas’uul laab furnaanshaha siyaasadeed u muujiyeen.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada laga diiwaan geliyey Kheyre iyo Xaaf: