Daawo sawiradii saameynta reebay ee xafladdii caleema saarka Waare iyo liiska madaxda ka qeyb gashay

Jowhar (Caasimadda Online) – Xafladdii Maanta lagu caleema saaray madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waarre ayaa laga diiwaan geliyey sawiro taariikhi ah, iyadoo isku keentay inta badan Madaxda Soomaalida.

Xafladda ayaa waxaa si wadajir ah uga soo qeybgalay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya kuwaas oo dhawaan ku shiray Magaalada Kismaayo.

Waxaa kasoo qeyb galay sidoo kale Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Dhanka kale waxaa ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole iyo Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo xusid mudan inay ka qeyb galeen Xildhibaano, Wasiir ka tirsan dowladda iyo Mas’uuliyiin kale oo aan inta lagu soo koobi karin.

Qaar ka tirsan Sawiradaan ayaa muujinayo inuu kulan gaar ah dhex maray Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo  Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya kaasoo looga wada hadlay sida xogta sheegeyso xaaladah siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu horeyso Khilaafka jiro.

Sidoo kale sawirada kale ee saameynta yeeshay ayaa noqday kuwa ay laabta isku geliyeen Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada ay idiin soo gushay Shabakadda Caasimadda Online: