Sawirro: Saddex dal oo Yurub ah oo safiiro cusub usoo dirsaday Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha aqoonsiga danjireyaasha kala ah;

1. Mudane Arnaud Suquet – Danjiraha cusub ee dalka Faransiiska ee Soomaaliya
2. Mudane Maarten Brouwer – Danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands iyo
3. Marwo Katarina Zuffa Leligdonova oo ah Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Slovakia u fadhin doonta Soomaaliya

Danjireyaasha ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda.

Waxay soo bandhigeen dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay dowladda federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu.

Sidoo kale waxa uu xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.