Ciidanka Xoogga dalka oo maanta Al-Shabaab ka xoreeyey Dekedda Cigo

Mesagawaa (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga hubka qaatay ee deegaanka ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxay kula wareegeen Dekedda qadiimiga ah ee Cigo oo aad ugu dhow magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidankaan oo ka baxay magaalada Mesagawaa ayaa sii maray dhowr deegaan oo ay isaga carareen maleeshiyaadkii horay u joogay ee Al-Shabaab, waxayna ugu dambeyntii gaareen deegaanka Cigo oo ay ku taallo deked macmal ah.

Deegaanada kala ah Baraag-Sheekh Caamir, Dhabaqle, Xuseen-Cagey, Cigo iyo deegaano kale ayaa maanta laga raacdeeyey Al-Shabaab, waxaana caawa ku sugan ciidamada dowladda.

Deegaanadaan ayaa waxaa mudo dheer maamuleysay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ciidankii ka xoreeyey ay hadda kaabiga ku hayaan magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Intii uu socday howlgalkaan waxay ciidamadu qabteen dad la sheegay in looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Deegaanka muhiimka ah ee Cigo oo ka mid ah deegaanada maanta laga xoreeyey Al-Shabaab ayaa waxaa loogu tegay dad badan oo kalluumeysato ah.

Xeebta deegaankaas iyo nawaaxigiisa waxaa la sheegay in aad looga helo Aar-goosatada loo iib keeno magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmahaan dardar gelinaya howlagallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidankii xoreeyey Sh/Dhexe hadda kaabiga ku hayaan Ceeldheer oo Galgaduud ka tirsan.

Dhanka Mudug waxaa Hobyo, Wisil iyo Baxdo ka soo baxay ciidankii ugu xooganaa oo Danab, PSF-ta Puntland, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga hubka qaatay ee deegaanka isugu jira, wuxuuna duulaankaas ku jiheysan yahay degmada muhiimka ah ee Xarardheere.