Diyaarad sidday 72 qof oo ku burburtay dalka NEPAL

Nepal (Caasimada Online) – Diyaarad ay saarnaayeen 72 qof ayaa ku burburtay meel u dhaw garoon ku yaalla bartamaha Nepal, waxaana ku dhintay 40 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Diyaaradda Yeti Airlines ayaa kasoo duushay magaalada Kathmandu, waxay ku wajahneyd magaalada dalxiiska ah ee Pokhara.

Diyaaradda ayaa burburtay xilli ay dageysay isla markaana dab ayaa qabsaday.

Ciidamada Nepal oo gaaraya 200 ayaa qeyb ka howlaha gurmadka ah ee ka socda goobta ay diyaaradda ku burburtay ee webiga Seti.

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinayay qiiqo iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.

“Waxaan rajeyneynaa in meydad badan aan kasoo saarno goobta ay diyaaradda ku burburtay” ayuu yiri afhayeen u hadlay militeriga xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

BBC