Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dacwa ka ah warbaahinta + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa markii u horeysay sheegay “in xal sharci ah” loo baahan yahay, si meesha looga saaro cabashada ay dadka la tagaan warbaahinta, ayada oo kiiskooda uu ku jiro maxkamadda.

“Mushkilad u baahan in loo helo xal sharci ah ayaa dig soo tiri oo ah qofka dacwo ayaa maxkamadda ka taalla, qof ayaa la dilay ama dhib ayaa dhacay, waa soo baxa warbaahinta iyo baraha bulshada ayuu taga oo halkaas ayuu qeylo dhiga.”

Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in arrintaan ay tahay caqabad haysata maxkamada iyo dacwadaha ay qaado, isaga oo xusay in marka uu qofka geeyo kiiska warbaahinta, una dhigo sida uu jecel yahay ay dadka ‘gardaro’ ku xakumayaan maxkamadda, sida uu sheegay.

“Bulshadeena waa ogtihiin indhaha waxba kama aragto ee dhagaha ayay wax ka aragta, macnaha qofkii qeyliyay ayay rumeysane, yaa qeylilyay? Ninkaan ayaa qeyliyay Aleyle waa laga gar-daran yahay ayaa la’leeyahay, la iska qodxa bixin maayo oo maxay tahay la dhihi maayo.”

Sidoo kale waxa uu warbaahinta iyo baraha bulshada ku tilmaamay “isbaaro casriyeysan,” oo wixii la rabo si fudud lagu marsan karo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waagii hore reeraha iyo maleeshiyaadka marka ay xanaaqan marka ay magaalo iyo gobol ha joogaan wadada dheer ee laamiga ah ama wadada hormarta ayay xiran jirin oo ha lagu kala tago dhihi jireen.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Hadda dowlad ayaa timid waddooyinka lama xiran karo, magaaladii ayaa la jooga oo dowladda xoog ayay ku leedahay, Isbaaro kale ayaa soo baxday xaga uu soo istaaga oo warbaahintii uu ka qeylina, tii hore xoog ayaa lagu suuliyay tan waxay u baahan tahay xal sharci ah.”