Rag hubeysan oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa 5 nin oo hubeysnaa, kuwaas oo dhac ka geysanayat xaafadda Kooka-Koola ee degmadaasi.

Sidoo kale waxaa kooxdan burcadda ah lala soo qabtay mooto Bajaaj ay wateen, sida uu shaaciyay taliska Booliska gobolka Banaadir.

“Ciidanka Booliska Qeybta Guud gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Degmada Yaaqshiid ayaa hadda qabtay koox burcad hubaysan ah, oo watay Moota Bajaaj isla Markaana falal dhac ah ka geysanayey xaafadaha Degmada Yaaqshiid” ayaa lagu war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliska gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray talisku in raggan oo lagu xiray saldhigga Yaaqshiid loo sii gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Booliska gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo ku boggaadiyay wada-shaqeynta kala dhexeysa ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya.

“Taliska Qeybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir waxa uu Shacabka caasimada uga Mahadcelinayaa sida ay markasta ula shaqeeyaan ciidanka Amniga” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Booliska gobolka Banaadir.

Habeen ayey hore ayey aheyd markii degmada Howlwadaag, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha laga soo qabtay laba nin oo mindiyo watay, kuwaas oo dhac ka geysanayey suuqaasi, waxaana sidoo kale kasii horreeyay 4 nin oo kale oo iyaguna burcad ah oo laga soo qabtay degmada Heliwaa ee gobolka Banaaadir.

Si kastaba, ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda dowladda oo iskaashanaya ayaa kordhiyay howlgallada ka socdo caasimada, kuwaas oo sidoo kale habeen hore lagu soo qabtay haweeney iyo hub tiro badan oo lagu kaydiyay guri ku yaallo gudaha  degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.