Guuleed oo war kasoo saaray sheegashadii shalay ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku bogaadiyey dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday Al-Shabaab, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha oo dowladdu ay shalay xaqiijisay inay xirtay in ka badan 250 Banki oo lacagaha kooxda lagu shubi jiray.

Madaxweyne Guuleed ayaa natiijo wanaagsan oo dagaalka laga gaaray ku tilmaamay in dowladdu ay ku guuleysatay inay xayirto malaayiin dollar oo lacagihii Al-Shabaab ah.

“Waa bogaadinayaa si guud dagaal dhinacyada badan leh ee ay laamaha kala duwan ee dowladdu kula jiraan kooxaha Argagaxisada ah. Gaar ahaanna waxaan si weyn u bagaadinayaa dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxdaas lagu qaaday, taas oo sababtay in laga xiro in ka badan 250 xisaab bank oo ay si toos ah iyo si aan toos aheynba u isticmaaliyeen, kuwaas oo ay ku jiraan malaayiin doolar oo la doonayey in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Qoraalka Guuleed ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa shacab weynaha Soomaaliyeed laga doonayaa inay dowladda iyo laamaheeda kala duwan si buuxda ugu gacan siiyaan dagaalka dhan kasta ah oo ay kula jirto kooxahaas Argagaxisada ah oo har iyo hoyaad u diiday umadda Soomaaliyeed.”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiir ku xigeennada warfaafinta iyo amniga ayaa shalay shir jaraa’id qabtay, waxayna sheegeen in dowladdu ay natiijo weyn ka gaartay dagaalkii dhaqaalaha ee kooxda lagu qaaday.

Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay ugu yaraan 70 lambar oo kooxda ay ugu dhici jireen lacagaha canshuurta ah ee dadka ay uga qaado sida xoogga ah, kuwaas oo qaar kood ay dadka ka soo wici jireen, qaarna lacagaha ku keydsa jireen.

Dowladda ayaa deg deg guulo uga soo hoysay dagaalka ay la gashay Al-Shabaab, si gaar ah mid ka socda furimaha ayaa hadda maraya meel dhexe, ciidanka oo ka gudbay HirShabeelle ayaa u talaabay Galgaduud, waxayna bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ka xoreeyeen dhul aad u baaxad weyn.

Hadda gulufka dagaal ee ugu culus wuxuu ka jiraa Galmudug oo ugu yaraan afar jiho dagaal looga qaaday Al-Shabaab, waxayna ciidamadu qorsheynayaan in maalmaha soo socda kooxda laga xoreeyo magaalooyinka ay ka joogaan gobolkaas, sida Ceeldheer, Ceelbuur iyo Xarardheere oo ka tirsan Mudug.