Sawirro: Safaarada Somalia ee Malaysia oo la galay iyo madax-banaanidii qaranka oo lagu xadguduby kadib…

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Khilaaf xoog leh ayaa hareeyay Safaaradda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Kuala Lumpur oo ah xarunta dalka Malaysia, waxaana shaqo joojin sameeyay dhamaan xubnihii ku xigay Safiirka ee Safaaradda Malaysia.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya  in shaqada ay joojiyeen Qunsul Cabdifitaax, xoghayaha koowaad ee Safaaradda Marwo Qamar, uqeybsanaha dhanka ganacsiga ee Safaaradda Maxamed Amiin, u qeybsanayaasha waaxda socdaalka Mubarak iyo Zakariye iyo uqeybsanaha dhanka waxbarashada kadib markii ay sheegeyn in ay la shaqeyn waayeen Safiirka Soomaaliya ee Safaaradda Amabssador Mardaadi.

Shaqaalaha Safaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in lacago xad-dhaaf ah Ardayda iyo muwaadiininta kale ee ku sugan dalkaasi laga qaado, taas oo aysan awoodin bixinteeda waxaana isa soo taraya walaaca ay qabaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Malaysia.

Todobaadyo ka hor Booliiska dalka Malaysia ayaa gudaha ugalay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia kadib markii qof u dhashay dalkaasi uu sheegay in gudaha safaaradda loogu gacan qaaday kadibna uu ku wargeliyay Booliiska Malaysia. taas oo sababtay Booliiska ay gudaha u galeen Safaaradda Soomaaliya.

In Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia la galo waxay dhaawac ku tahay Madaxbanaanida dalka walina ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

Xeerka Vienna ee 1961, ayaa qaba in cidna aysan geli karin safaarad haddii uusan raali ka ahayn safiirka. Si kale haddii loo dhigo, safaaradaha waa sida dalal yar oo ku dhex-yaalla dal, waxaana safiirka iyo diblomaasiyiinta ay haystaan xasaanad buuxda oo xitaa ana dambi lagu soo oogi karin.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Malaysia Ambassador Mardaadi waxa uu kamid yahay dhowr safiir oo Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya maalmo ka hor ugu yeertay in ay si deg deg ah u yimaadaan magaalada Muqdisho si wax looga waydiiyo shaqooyinka ay haayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com