Axmed Fiqi: “Waxaa socda Jubaland bad ku beddelasho”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay Soomaaliya ka jiri jirtay “Shaqo cunto ku bedelasho” haddana ay Villa Soomaaliya wado “ Kiiska badda Jubaland ku bedelasho” xilli uu bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal ku saabsan kiiska Badda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ujeedka ka dambeyso arrintaas ay tahay sidii u Madaxweyne Farmaajo mar kale dib ugu soo laaban lahaa kursiga sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Fiqi.

” Waxaa dalkan ka jiri jirey barnaamij la yiraahdo “Shaqo cunto ku bedelasho” hadda waxaa kooxda Villa Somalia ay wadaan barnaamij la yiraahdo “ Kiiska badda Jubaland ku bedelasho” oo ayaduna salka ku haysa sidii kursiga uu ku sii joogi lahaa Madaxwyne Farmaajo” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi ayaa maangaabnimo weyn ku sheegay inay VIlla Soomaaliya badda dalka ku badatalo sidii meesha looga saari lahaa Maamulka Axmed Madoobe iyagana ay mar kale dib ugu soo noqon lahaayeen.

” Jubaland oo dawlad Goboleed Soomaaliyeed ah oo siyaasad xumada kooxda Villa Somalia lagu go’doomiyey In lagu gorgoriyo ka noqoshada kiiska dacwada badda Soomaaliya waa maangaabnimo weyn, waana damac waalan oo aan socon doonin”. ayuu raaciyey Fiqi

Ugu dambeyntii Xildhibaan Fiqi ayaa dadka Dowladda ku taageero baraha Bulshada ee mucaaradka ku dhaleeceenayey tagitaanka Kismaayo ugu baaqay inay ka hadlaan waxa uu ugu yeeray fadeexad ka taagan Kiiska Badda Soomaaliya.

” Kooxihii qaaqlayaasha ah ee arrinta In la tago Kismaayo danbiga ka dhigayey maxey uga hadli la’yihiin foolxumada ka taagan kiiska dacwada badda, waxaan sugaynaa waa ayaga oo difaacaya In kiiska badda laga soo celiyo Maxkamadda ICJ” ayuu yiri fiqi

Hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Fiqi ayaa kusoo aadayo xilli uu Safiirka Mareykanka Kyle McCarter sheegay inuu Farmaajo ku cadaadinayo sidii uu Kiiska Badda u geyn lahaa meel ka baxsan Maxkamadda sida uu Maanta qoray Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com