Hargeysa: Cunug 7-bil jir ah oo tooray lala dhacay isaga oo la xambaarsan yahay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ayaa sheegaya in dhacdo naxdin leh ka dhacday gudaha magaaladaasi, taasi oo dil loogu geysan gaaray Haweenay Hooyo ah iyo wiil yar oo 7-bilood jir ah.

Saddex Nin oo tuugo ah ayaa dhaawac culus u geystay wiil yar oo 7-bilood jiray oo ay Hooyadii dhabarka ku xanbaarsaneed, sida ay dad deegaanka ah inoo xaqiijiyeen.

Saddexdan Nin ayaa la sheegay in ay boorso u maleynayeen wiilka yar ee Haweenaydu ay dhabarka dambe ku xambaarsaneed, balse markii dambe ee ay tooryeeyen ay xaqiiqsadeen.

Sida Caasimada Online ogaatay wiilka yar ayaa waxa uu dhaawac culus ka soo gaaray inta u dhaxeysa miskaha iyo dhabarka, halkaasi oo ay si weyn u haleeshay Tooreydii ay ku dhufteen nimanka tuugadii, iyadoona hadda xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Dhacdadan naxdinta badan ayaa Haweenayda iyo wiilka yar haleeshay, xili ay ka sii talaabayeen dhisme lagu magacaabo jab-jabka oo dhinaca bari ka xiga magaalada Hargeysa.

Ciidamada Booliska iyo Dadweynihii ku sugnaa goobtaasi ayaa ugu dambeyntiina ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Saddexda tuug ee falkaasi argagax leh geystay.

Dhacdadan oo aheyd mid argagax badan ku riday dadweynaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay muujineysa heerka ay gaarsiisantahay khatarka ay sababi karaan tuugta ka dilaacday caasimada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa