Wasiir Janan ‘oo loo diiday inuu la kulmo’ qareenadiisa iyo odayaasha beeshiisa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdirashiid Xasan Nuur oo loo yaqaan Janan isla markaasna ahaa wasiirkii Amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa loo diiday inuu la kulmo qaar ka tirsan Odayaasha iyo Nabadoonada Beeshiisa oo Muqdisho u imaaday inay arrintaas xal u helaan.

Odayaal ka tirsan Beesha uu kasoo jeedo Wasiir Janan oo muddo badan Muqdisho u joogay sidii ay xal ugu heli lahaayeen arrintiisa ayaa sheegay in Xariga Wasiir Janan uu yahay mid afduub ah isla markaasna ay qaar ka tirsan xeer ilaaliyaasha u sheegeen inuu si xaq darro ah u xiran yahay iyagana ay mar hore diideen dacwadiisa.

Odayaasha oo Axaddii dib ugu laabtay Magaalada Doolow ee Gobolka Gado oo ay markii hore ka imaadeen ayaa sheegay inaysan u suurtagelin inay helaan madaxda Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’ado Kiiska Janan mudadii ay ku sugnaayen Muqdisho.

Qaar ka tirsan Odayaasha oo saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in loo diiday inay arkaan Wasiirka si ay xaaladiisa u ogaadaan, sidoo kalana waxay sheegeen in loo diiday qareenadii u doodi lahaa taasoo ay ku tilmaameen inay tahay mid aan waafaqsaneyn sharciga iyo Dasuurka dalka u yaalo.

“ Qaraabada Wasiirka waa loo diiday inay booqdaan, Sidoo kale qareenadiisa waa loo diiday, Ma helo daryeel Caafimaad, wax walba waa loo diiday” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha la hadlay Saxaafadda ee dib ugu laabtay Magaalada Doolow.

Xeer ilaalinta ayaa Wasiir Janan kusoo oogtay dacwad ku saabsan dilal loo geystay dad rayid ah oo ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo oo uu wasiirka deegaan ahaan kasoo jeedo.

Wasiirka oo dhawaan lasoo taagay maxkamad ayaan wax faahfaahin ah laga helin marka laga reebo muuqaal kooban oo uu Telefishinka qaranka kasoo duubay.

Wasiirka ayaa xiran muddo ka badan 2 Bilood, waxaana 1-dii Bishii September laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde markaas oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya.

Buule Aadan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gado ayaa Wasiir Janan kala soo muuqday Maxkamadda.

Illaa hadda lama shaacin waqtiga ay dhici doonto wajiga labaad ee dhageysiga Dacwadda labadaan Mas’uul.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com