Natiijada baarista halka ay ka timid lacagta taallooyinka lagu dayac-tiray (Wabixin)

Innaga oo ka ambaqaadeyna kaalinta warfaafinta ee xoojinta iyo dhiirigelinta daahfurnaanta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda, waxaan su’aalo ka keenay lacagahii taallooyinka iyo guud ahaan Barnaamijka Isxilqaan iyada oo la xiriirtay 14 mas’uul. Sida uu leeyahay Abuukaate Ciise oo ka tirsan xeer yaqaannada dalka, sharciga waxaa uu qabaa haddii la waayo kaalinta dimoqoraadiyadda dadban ee mataaladda iyo baarlamaanka ama warbaahinta,  xataa muwaadinka caadiga ah waa inuu dawco gudbiyo si uu u ogaado qarash baxay.

Baaristeenna waxaan ka bilowday maamulka gobolka Banaadir oo mas’uul ka ah gobolka taallooyiinka laga taagay, kadib markuu qaban waayey telefanka, uuna ka jawaabi waayey fariimaheenna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) oo isaga goobjoog ka ahaa xafladdii xariga looga jaray taallooyinka ayaan markii dambe helnay mid ka mid ah guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir, oo codsaday in magaciisa aan la xusin, guddoomiyaha waxaa uu sheegay in maalin uu ra’isul wasaare Xasan Kheyre ka sheegay shir uu la lahaa maamulkooda xilligii AUN Eng. Yariisow in taallooyinkii taariikhiga ahaa la soo celinayo, madaxtooyadana u saartay guddi uu ku jiro S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo xilligaasi ahaa taliyiha ciidanka Asluubta laakin August sanadkan uu  Kheyre u magacaabay maareeyaha wakaaladda hormarinta dhismaha Soomaaliyeed. Bashiir Goobe telefanka ma qaban, kamana soo jawaabin fariimihii aan u dirnay.

Mas’uuliyiinta aan la xiriirnay waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Dowladda Federaalka mudane Daahir Maxamuud Geelle oo xilkaasi hayey sanad iyo bar, Mr. Geelle oo ay aheyd in lagala tashto ama hormuud ka noqdo wixii dhaqan iyo dalxiis ah waxa uu sheegay in wasaaradiisa aaney waxbo kala socon qorshaha, lacagta iyo wax ku saabsan taallooyinka.

Dhankiisa, mid ka mid ah agaasimayaasha xilligan ugu sareeya xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre ahna qofka keliya ee wax laga weydiin karo lana socda dhaq-dhaqaaqiisa, laakin magaciisa codsaday in la qariyo, ayaa sheegay in xafiiskooda iyo guud ahaan wasaaradaha xukuumadda federaalka ah aaney shaqo ku laheyn arrintan taallooyinka, oo ay khuseyso uun xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Fulinta waa ku jiri karaan wasiirro, laakin waa guddi ahaan ee uu madaxweynaha magacaabay ee shaqada guud xukuumadda qeyb kama ahan”. Ra’isul wasaare Kheyre ilaa hadda kama hadlin taallooyinka xataa kuma soo qaadan baraha bulshada uu leeyahay sida Facebook iyo Twitter.

Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta ee Villa Somalia oo arrintan ka hadlay ayaa iska fogeeyey in xafiiska madaxweynaha uu maaliyad ahaan maamulay taallooyinka iyo guud ahaan mashruuca isxilqaan “ Xafiiskan shaqo kuma laha maamulka maaliyadda ee taallooyin ama isxilqaan, oo guddi ayaa jiro oo ra’isul wasaare ku xigeenka horkacayo, wasaarado badan oo maaliyadda ugu horeysana ku jiraan, madaxweyne Farmaajo keliya waxaa uu ku leeyahay Korjoogteyn”.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa mashruuca isxilqaan, una matala Villa Somalia, codsadayna  in aan la xusin, oo isna aan la xiriirnay waxaa uu nagu leexiyey wasaaradda maaliyadda iyo wasiir Beyle, isaga oo sheegay in iyada uun wax laga weydiin karo lacagaha iyo cidda bixisay, isaga oo shaki geliyey helista faahfaahinta lacagta qoondada Tallooyinka.

Dhanka wasaaradda maaliyadda, kadib markii uu wasiirkeeda maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle qaban waayey telefanka, kana jawaabi waayey fariimaha WhatsApp  ayaan wacnay Cabdullaahi Sheekh Cali (Qolocow) oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda. Qaloocow ayaa isna iska fogeeyey inuu wax ka ogyahay lacagta taallooyinka, isaga oo intaasi raaciyey inuu mas’uul ka yahay qeybta canshuur uruurinta, wixii dakhli baxana ha la weydiiyo wasiirka iyo wasiiru dowlaha “ Aniga dakhli uruurun igula xisaabtan, isoo weydiisa maxaa loo qaadi waayey, yaa canshuur la baxsaday” ayuu hadalkiis ku soo koobay Cabdullaahi Sheekh Cali (Qolocow).

Waxaa xigay, xiriir aan la sameynay wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee DF Maxamuud Xayir Ibraahim, salaan kadib waxaan u sheegnay ujeedka aan u wacnay, markaas kadib waxaa uu ku hadlay hadal aan la fahmi karin, waana nagu damiyey telefanka.

Dr. Maxamud Maxamed Culusow oo horay u soo noqday agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe  ayaa noo sheegay in taalooyinka ay maamulayeen guddi qarsoon oo warbixin u celisa uu madaxweyne Farmaajo, waxaa su’aal ka keenay sababta loo la’yahay cid warbixin buuxda ka bixisa, isaga oo dhaliilay aragtida xun ee dowladda ee kala horeynsiinta hawlaha qaranka.

Hey’adaha baaristeenna soo dhoweeyey waxaa ka mid ahaa hanti-dhowaraha qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)  oo isaga iyo xafiiskiisa nagu bogaadiyeen shaqadan, laakin arrintan ku saabsan lacagaha aan dabagalka ku heyno ee taallooyinka waxaa uu sheegay in xogtooda aanu heynin  xiiligan,  isaga oo sidoo kale nagu dhiirigeliyey in aan raadinno cidda ay khuseyso ee isxilqaan iyo wasaaradaha ku shaqada leh.

Haddaba, baaristaankan la xiriira taalooyinka intii aan wadnay, natiijada in kasta oo aanan helin tirada lacagta ku baxday, waxaa sheekooyinkii na dhexmaray mas’uuliyiinka kala dhexbaxnay, noona soo baxay dhowr dul-duleel oo khatar ah:

(1). In mashruucan taallooyinka iyo guud ahaan is xilqaan aaney shaqo ku laheyn gobolka Banaadir iyo wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

(2). In ra’isul wasaarr Kheyre isna aanu raalli ka aheyn sida madaxtooyada u maamushay mashruucan

(3). Mashruucan waxaa toos u maamulo guddi uu magaacay, korjoogtenna ku leeyahay madaxweynaha Farmaajo

(4). Mashruucan waxaa taageero dalalka caalami ah, ganacsato Soomaaliyeed iyo mashaariic ay bixiyaan hey’ado dowli ah.

(5). Guddiga howlahan wado waxaa ay leeyihiin sanduuq qaran iyo miisaaniyad furan, oo ka baxsan miisaaniyadda qaranka ee ay baarlamaanka ansixiyaan

(6). Sanduuqan looma sameeyo xisaabxir, baarlamaanka lama socdo, waxaa isla og Farmaajo iyo Beyle. 

(7). Wasiir Beyle waxaa uu iskala weyn yahay la xisaabtan, kamana cabsado Baarlamaanka, hanti-dhowaraha qaranka iyo shacabkaba.

Ugu dambeyntii, maxaa la gudboon golaha shacabka ee BF: Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xil. Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo isna arrintan ka hadlay ayaa sheegaya in aaney jirin wax rasmi ah oo soo gaaray golaha shacabka. “Procedure ayuu leehaya golaha shacabka, guddoonka ayaa la soo mariyaa, kadibna guddiga, laakin ilaa hadda ma helin wax arrinkaas la xiriira”. Mar aan sii weydiiney, arrintan oo kale maxaa laga yeelayaa waxaa uu yiri “Waa qasab in nala hor keeno Dhaq-dhaqaaq xisaabeed (transaction) kasta  oo laamaha dowladda federaalka ah sameeyaan, haddii ay miisaaniyadda ku jirtay oo la kala wareejiyey ama meel kale laga keenay”.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye
Xigasho: Goobjoog News