Video: Nabaddoonka cusub ee beesha Mataan Cabdulle oo maanta la caleemo saaray

Muqdisho-(Caasimada Online) – Beesha Mataan Cabdulle oo ka mid beelaha Wacbuudhan Abgaal ayaa magaalada Muqdisho maanta caleema saaratay Dr. Maxamed Daahir Macalin Xasan oo loo doortay in uu noqdo Nabadoonka guud ee beesha.

Waxgaradka beesha oo iskugu yimid munaasabadda caleema saarka Nabadoon Maxamed Daahir oo warbaahinta kula hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay Nabadoonkaan cusub ku doorteen karti iyo aqoon, isla markaana ay u arkeen in uu yahay kan mudan in uu hoggaamiyo.

Nabadoonka maanta la caleema saaray ee beeshu dooratay oo munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in isaga oo tala saaranaya Alle uu beesha u balan qaadayo 5 qodob oo wax qabadkiisa uu ku bilaabi doono.

Shanta qodob ee uu beesha u balan qaaday Nabadoon Maxamed Daahir ayaa kala ah:

  • Hormarinta deegaanka ay degto beesha
  • Raadinta xuquuqda ay beeshu leedahay
  • In beesha loo helo dib u heshiisiin
  • Raadinta in beeshu hesho midnimo
  • In uu si joogto ah u kaasha doono odayaasha dhaqanka beesha.

Ugu dambeyn Nabadoon Maxamed Daahir Macalin Xasan ayaa dhamaan munaasabadda uga mahad celiyay beesha u dooratay hoggaaminteeda.

Halkaan ka Daawo:

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com