Sawirro: Salaadiinta & cuqaasha Juba oo ku dhawaaqay dadaallo nabadeed

Salaadiinta iyo cuqaasha deegaannada Jubba ayaa markii ugu horreysay si wada-jir ugu dhawaaqay dadaallo nabadeed.

Kulamadaan nabadeed oo qeyb ka ahaa dadaallo nabad raadin iyo iska shaafin isugu jira, kuwaasi oo u dhexeeyey beelaha dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa qeyb ka mid ah lagu soo gabagabeeyey xarunta jaamacadda Kismaayo.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen inta badan hoggaamada dhaqanka ee beelaha dega Jubba ayaa waxaa muhiimaddiisu ahayd in odayaasha dhaqanku ay ka wada hadlaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalladii bishii June ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madax dhaqameedkii kulanka ka qeyb-galay ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Cabdullaahi Cali Sonkor, Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, Suldaan Muuse Nuur iyo madax dhaqameed kale.

Salaadiintii madasha goob-joogga ka ahayd ayaa haddallo ay kulanka ka jeediyeen waxay si wada-jir ah ugu sheegeen in ay u wada istaageen isku soo duwidda dadka Jubba State.

Gabagabadii kulankaan ayaa waxaa gaari nooca yar yar ee Prado lagu wareejiyey Ugaaska beelaha Sade Ugaas Maxamed kaas oo qeyb ka ahaa iska shaafin dhibaatooyinkii dhacay ee beelaha Jubbooyinka iyo Gedo.

Waa kulankii ugu horreeyey ee caynkiisa ah oo ay muddooyinkan yeeshaan waxgaradka beelaha Jubbaland.

Sawirrada kullanka

oday 1oday 2oday 3oday 4oday 6oday 5oday 7oday 8oday 9oday 10Xigasho: Kismaayo.com