Sawirro: Sanad kadib geeridii Xasan Tuure, DANAB oo qaaday tallaabo muhiim ah

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Kulan loogu duceynayay shuhadadii ciidanka kumaandooska Danab ee difaaca dalkooda u dhintay ayaa maanta lagu qabtay Taliska Danab ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Taliye ku-xigeenka Ururka 163-aad ee Guutada 16-aad ee Danab  Dayib Maxamed Xasan, ayaa soo agaasimay kulankaas oo Qur’aan iyo Duco loogu akhriyay shuhadadii ku geeriyootay dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Khawaarijta.

Waxaa lasoo dhejiyey booq weyn lagu soo daabacay sawirrada saraakiishii iyo askartii ugu qaalisaneed ee Danab looga dilay dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, xubnaha ka soo muuqday boorka waxaa ka mid ah Taliye Xasan Tuure oo lagu dilay dagaal ka dhacay Galcad, sanadkii hore bishaan oo kale.

Dhammaan dadkii ka qeyb galay kulanka ayaa shuhadada Alle uga baryay inuu Jannadii fardowso ka waraabiyo, iyagoo iskula dardaarmay Alle ka cabsi iyo in laga dhabeeyo hadafkii ay u dhinteen saaxiibadood ee ahaa ciribtirka Khawaarijta umadda Soomaaliyeed u diidan nabada iyo horumarka.

Xasuusta Shuhadada ayaa ku soo aadday xilli maanta sannad laga joogo markii uu shahiiday AUN taliye ku xigeenkii kumaandooska Danab Xasan Tuure oo 20-kii Janaayo 2023 lagu dilay isaga iyo ciidan badan dagaal ka dhacay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Tani waxay muujineysaa caqiidada wanaagsan ee ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku jira jihaad kii ugu cuslaa, maadaama ay dagaal adag kula jiraan argagixiso halis ku ah jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Janaayo sanad ka hor markii uu dhintay Taliye Xasan Tuure oo muhiim u ahaa hoggaaminta halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, hadana Janaayo sanadkaan waxaa dhintay halyey kale Taliye Cabdi Suulnuug oo geeridiisu ay gilgishay dalka, maadaama uu door muhiim ah ka qaadanayey dagaalka wadanka looga xoreynayo Khawaarijta.

Ciidamada Soomaaliya oo weli dhisme xoog leh uu ku socdo, dagaal adagna kula jira kooxo argagixiso ah, hadana waxaa laga cabsi wabaa inay soo wajahdo xaalad dagaal oo Soomaaliya ay la gasho Itoobiya oo dooneysa inay xoog ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.