Madaxdii ugu badnayd oo kusii qul-quleysa Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in qaban qaabadii ugu dambeeyay ee xafladda caleema saarka madaxda cusub Puntland ay ka socoto gudaha magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi.

Madax kala duwan ayaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray Garoowe, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa).

Xubnaha tegay Garoowe waxaa kamid ah ma’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ka baxay magaalada Muqdisho.

Wasiir Juxa oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay xafladda caleema saarka madaxweyne Sackiid Deni, ku xigeenkiisa iyo guddoonka Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in meel wanaagsan ay mareyso, isla markaana ay dhaceyso munaasabadda 25-ka bishan.

“Waxaan u diyaar garoobeynaa caleema saarkii madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka baarlamaanka, dalku waa nabad waa roobeestay, doorashana waa galay barwaaqo ayaana lagu jiraa aadbaan ugu faraxsanahay” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Sidoo kale wxuuu sii raaciyay “Xafladdu 25-ka bishan ayay dhici doontaa, waxaana soo dhaweyneynaa dhammaan madaxda imaaneysa” .

Dhinaca kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Garoowe, halkaas oo lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha magaaladaasi.

Puntland ayaa waxaa sideedii bishan ka dhacday doorasho adag oo mar kale dib loogu doortay madaxweyne Saciid Cabdullaahi, waxaana ku xigeen loo doortay Ilyaas Lugatoor.