Sudan oo ka baxaysa IGAD kadib qalad ka dhacay shirkii ay codsatay Soomaaliya

Khartoum (Caasimada Online) Dowladda Sudan ayaa sheegtay in ay ka baxayso urur goboleedka bariga Afrika ee IGAD, kadib shirkii IGAD ee maalin ka hor ka dhacay dalka Uganda, kaas oo Soomaaliya ay codsatay in la qabto, si looga wadahadlo damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Markii laga hadlay arrinta Soomaaliya iyo Itoobiya, shir guddoonka IGAD oo ahaa maxaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu miiska soo saaray arrinta dalka Sudan oo cagaha la galay colaado sokeeye.

IGAD ayaa isku dayday in wada xaajood laga yeesho, si loo dhameeyo dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada degdegga ah ee ka soo horjeeda.

Khamiistii dowladda Sudan waxay hakisay wax kasta oo ku lug lahaa wadahadalada nabada ee ay dhexdhexaadinaysay IGAD, iyadoo ka careysan hanaanka loo wajahay iyo sababta loo casuumay garabka la dagalamaya dowladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku eedeeyay ururkan in ay ku xad-gudbeen madax-bannaanida Sudan, kadib markii hoggaamiyaha RSF (Maxamed Xamdaan Dagalo) lagu casuumay shir-madaxeedka IGAD ee lagu qabtay dalka Uganda.

War-murtiyeed ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Sudan waxay ku tilmaantay war-murtiyeedkii IGAD ee gunaanadkii shirka uu ahaa mid xushmad-darro iyo meel ka dhac ku ah shacabka iyo dowladda Sudan.

Dagaalkii sagaalka bilood socday wuxuu qasbay in ka badan toddobo milyan oo qof in ay guryahooda ka baxaan, halka kumanaan kalena ay dhinteen, welina xal looma helin dagaalka sokeeye ee ka socda Sudan.

Dalka Sudan ayaa ka mid ah dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo ka aas-aasan geeska Afrika, Soomaaliya iyo wadamada gobolka ayaa ku bahoobay ururkaan, shirka ay ka carootay Sudan waxaa codsatay in la qabto Soomaaliya, oo iyana ka carootay damaca Itoobiya ay ku raadineyso badda Soomaaliya.

Shirkaas waxaa ka baaqatay Itoobiya oo Soomaaliya ay kaga dacwooneysay madaxda gobolka, waxaana si buuxda loogu taageeray Soomaaliya, iyadoo bayaankii ka soo baxay lagu buriyey heshiis ku sheegii Muuse Biixi uu ku soo saxiixay Addis Ababa.