Sawirro: Xasan Sheekh oo dalka ku casuumay Sheekh caan ka ah dunida + Sababta

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday xarunta Al-Azhar Al-Shariif ee Magaalada Qaahira ayaa la kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar.

Shiiqa iyo madaxweynaha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka  dhan ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka Madaxweynaha iyo Shiiqa waxaa la isaga warsaday xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar ee ku yaalla dalka Masar.

Madaxweyne Xasan ayaa Shiiqa u sharaxay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, si uu u soo arko horumka iyo miro-dhalka dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo Madaxweynaha Soomaaliya uga mahadceliyey booqashada ayaa aqbalay casuumadda, wuxuuna balan qaaday inuu Soomaaliya yimaado.

Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyey faragelinta ay dowladda Itoobiya ku sameysay Madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Axmed Maxamed  El-Tayeb ayaa xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta dhulka iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Masar la kulmay Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd, wuxuuna ku bogaadiyey dalalka iyo guddoonka Jaamacadda Carabta mowqifka ay ku taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay gaaray dalka Masar, kadib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaas, safarka madaxweynaha ee Masar ayaa la xiriira xiisadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

Masar ayaa la dagaashay Itoobiya, taas oo ka dhigan in Soomaaliya iyo Masar ay yihiin isku cadow, qasabna ay tahay inay isku kaashadaan cadowgooda, tan iyo markii ay Itoobiya ku soo xadgudubtay badda Soomaaliya, waxaa kacsan dareenka dadka Soomaaliyeed, madaxduna waxay gashay olole caalami ah, si dalka looga difaaco Xabashida.