28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Daawo Sawirrada: Shariif Xasan Sh. oo kulan muhiim ah la qaatay Wilium Ruto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xafiiskiisa ku booqday madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Wilium Ruto.

Shariif Xasan ayaa Wilium Ruto kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku xeen-daaban Siyaasada Maamulkiisa, waxa uuna balanqaadyo ka helay Dowlada Kenya.

Wilium Ruto ayaa sidoo kale, Shariif Xasan u balanqaaday inay dhisi doonaan Ciidamada maamulka, islamarkaana ay garab xoogan siin-doonaan maamulka cusub.

Kulanka Shariif Xassan iyo Wilium Ruto, ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Tani ayaa ka turjumeyso in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku socdo talaabo xoogan oo ay kula tartamayaan Maamulada kale ee ka jira dalka, walow inta badan ay qaadan talaabooyin aysan la socon DF Somalia.
1

2

3

4

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News