Sawirro: Shir gaar u ah 5-ta MADAXWEYNE goboleed oo ka socda MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xerada Xalane ka furmay shir gaar u ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka, sida Axmed Madoobe, Saciid Deni, Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Cali Guudlaawe, wuxuuna kulankan ka billowday hotel ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi diirada lagu saarayo is mari-waaga ka taagan furitaanka shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada, kaas oo ay si weyn uga biyo diideen hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi sii raacinaya in shirkan gaarka ah ee madaxda maamul goboleedyada kusoo qaadayaan xal u helida khilaafka weli ka taagan doorashooyinka.

Shirkaani ayaa dab-socdo kulamo gaar gaar ah oo ay maalmihii u dambeeyey lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada, si is-faham waaga jira loogu dhameeyo wa-hadal.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii uu baaqday shir u dhexeeyey beesha caalamka & maamul goboleedyada, kadib cadaadis ka yimid dhinaca dowladda dhexe ee Somalia.