Kulankii golaha shacabka oo lagu kala dareeray kadib buuq xooggan oo hareeyay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa lagu kala dareeray kulankii golaha shacabka ay maanta ku balansanaayeen xaruntooda Villa Hargeysa kadib markii lagu kala qeybsamay inuu fadhiga furmo.

Ajandaha kulanka oo xalay lagu soo daabacay barta bulshada ee golaha Baarlamaanka, sidoo kalana xildhibaanada fariin qoraaleed loogu diray ayaa lagu sheegay in looga hadlayo arrimo ku saabsan Covid19, balse waxaa yimid tuhun laga qabo inuu jiro muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo golaha baarlamaankaba.

Ka hor inta uusan furmin fadhiga, buuq ayaa hareeyay xarunta Baarlamaanka, kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ay diideen iney saxiixaan buuga lagu xaadiriyo xildhibaanada, kadibna la wareegeen minbarka laga hadlo.

Xildhibaanadan ayaa lagu eedeeyay iney sameeyeen qalalaase, islamarkaana is horistaag ku sameeyeen inuu kalfadhiga furmo, iyadoo gudoomiyaha golaha shacabka ee wakhtigiisa dhamaaday uu sheegay in lasoo gudbiyo liiska xildhibaanada kiciyay buuqa si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynayaasha shanta maamul goboleed uu kulan uga socdo garoon ku yaalla xerada Xalane, iyadoo la rabo in laga arrinsado sidii shir weyne la isugu imaan lahaa maadaama Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay diideen shirkii uu ku baaqay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.